Diyaarad Qaadi Lahayd Ra’iisal Wasaare Oo Loo Waayay Shidaal Ay Ku Duusho Iyo Dalka Qisadan Cajiibka Ahi Ka Dhacday Oo Dunida Laga Hadal Hayo

Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Waddanka Musambiik ayaa shaqadii laga eryey, ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo rakaab kale ay xayirmeen, iyadoo dayaaraddii qaadi lahayd loo waayey shidaal lagu shubo. Carlos Agostiho do Rosario, ayaa markii dambe kaxaystay oo ku safray diyaarad ay ciidanka cirku leeyihiin oo uu u adeegsaday socdaalkiisa rasmiga ah ee uu kaga ambabaxayey caasimadda waddanka Mozambique ee Maputo, kuna beegnayd gobolka Niassa ee isla waqooyiga dalkaasi.

 

Dayaaradda LAM Airlines oo ay dawladdu leedahay ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale taasina waxa ay keentay maalintii uu Ra’iisal wasaaruhu ku safri lahaa mid ka mid ah diyaaradaheeda ay shidaal u wayday. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in Mushkiladdani ay taagnayd muddo 3 maalmood ah.

 

Wararku waxay sheegayaan in shirkadaha shidaalka bixiya ay dalbadeen in la siiyo lacago hore oo ay ku lahaayeen haddii kale ay shidaalkooda ceshan doonaan taasi oo dhacday. Masuuliyiinta Diyaaradda ayaa arrintan ku tilmaantay mid waji gabax ah, waxayna sheegeen in ay ka shaqaynayaan in duullimaadyada ay sii socdaan illaa Jimcihii shalay, ka dib markii ay xukuumaddu soo fara gelisay, sida uu sheegayo wariye BBC ka tirsan.

 

Maamulka shirkaddani Waxay raalli gelin siiyeen macaamiisheeda iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna ka codsadeen dadka safraya inay soo wacaan si ay u helaan xogta ku saabsan duullimaadyadooda. Xayiraad muddo lix sano ah ka saarnayd diyaaradda inay ka shaqayso midowga Yurub ayaa la qaaday sannadkii hore. Waxaa lagu soo rogay markii midowga Yurub uu sheegay in maamulka duullimaadyada diyaaraddaasi aanu ahayn mid hagaagsan oo rakaabku isku hallayn karaan.

 

Waddanka Mozambique ayaa mushkilad dhaqaale wajahayay tan iyo 2015, waxaana laga goostay inta badan heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee ay gashay iyo kaalamadii ay dibadda ka heli jirtay, ka dib markii ay xukuumaddu qiratay deyn aan la ogeyn halka uu ka yimid oo gaadhaya 1.4 bilyan oo dollar sannadkii 2016.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker