” Anigu Is Casili Maayo Kursiga-na Waa La Kala Riixdaa…” Gudoomiye Saleebaan Beeniyey Is Casilaadii

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa beeniyey inuu iska Casilayo Xilka Guddoomiyaha Guurtida.

Toddobaadkii u dambeeyay ayaa waxa soo baxay War sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu is casilayo, laakiin Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in aanu is casilayn, sabab uu xilligan kursigiisa u banneeyaana aanay jirin.

Guddoomiye Saleebaan oo Arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Anigu, Warkaa idinka ayuun baan idinka maqlay (War-fidiyeennada), Anigu waanigan Kurigii fadhiya.”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay in Masuuliyiin ka mid ah Goleyaasha kala duwan ee Qaranku waydiiyeen su’aasha ah inuu iscasilay “Niman Goleyaasha ah waan arkay oo aan is idhi Warka idinka ayay idinka keeneen, Madaxweynuhuna inuu xog-ogaal yahay ayaan filayaa, markaa Cid arrinkaa ila soo qaadday ma jirto, Idinkuu idanka yimid (Saxaafadda)…” ayuu yidhi.

Mudane Saleebaan oo la waydiiyey in codsi ah inuu iscasilo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha iyo Anigu, midkaayana dhibaato uma arko wada joogayaga, Ilaahay mahaddii baanu joognaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay u furan tahay Qofkii doonaya inuu Kursigaasi fadhiisto ee uu isaga ka Riixan kara “Bahalka waalla kala riixdaa, ha yimaaddo ninkii iga riixayaa, Caafimaadkayguna waa Taam, wax da’ ka badani ima hayso..”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker