Mareykanka iyo Ingiriiska oo beegsaday xaruumo Xuutiyiinta Yemen leeyihiin

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa qaaday weerarro cusub oo is xig xiga oo dhanka cirka ah isla markaana ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalak Yemen.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weeraradan oo adhacy Isniintii ay la beegsadeen sideed bartilmaameed, oo ay ku jiraan goob lagu dhulka hoostiisa ku yaalla laguna kaydiyo gantaallada Xuutiyiinta iyo qalab kale.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in tillaabadan ay jawaab u tahay weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee badda cas.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka reer galbeedka ee taageera, iyagoo intaa ku daray in arrintaan ay ugu hiillinayaan Falastiiniyiinta Qasa ee sida joogtada ah ula kulma weerarada iyo duqeymaha Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker