Xamaas oo faahfaahin ka bixisay tirada dadka ku dhintay duqeymaha iyo weerarada Israa’iil

Waxay sheegtay wasaaraddu in 178 qof ay geeriyoodeen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigeysa maalmihii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Iyadoo dagaalku sii socdo ayaa raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ka horyimid qorshaha lagu abuurayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin oo Israa’iil la siman six al loo gaaro .

Arrintaan waxaa soo jeediyay dhowr dal oo sheegay in ay u arkaan xal lagu joojin karo dagaalka iyo colaadda Qasa.

Weerarada iyo duqeymaha Israa’iil ayaa bilowday toddobadii Oktoobar kadib markii Xamaas ay weerar gantaallo loo adeegsaday ku qaadday Koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen 1,300 oo qof kuna afduubteen 240.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker