Arday ku nool gobolka Waqooyi Bari kenya oo gacan laga siinayo waxbrashada dugsiga sare

Gobolka waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga hirgaliyay arrin dadka deegaanku ay aad u soo dhaweyeen oo ah ardayda iskuullada sare dhigata oo waxbarashadooda laga taageerayo, taas oo aan horey halkaa uga jirin isla markaana dadku baahi badan u qbaeen.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Faafi ee ismaamulka Gaarissa saalax Yacquub ayaana bixiyay sida uu sheegay dhamaan kharashaadka waxbarashada ee ardayda wax ka dhigta deegan baarlamaaneedkiisa.

Ardayda waxaa laga caawinayaa buugaagta, dharka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah xoojinta waxbarashadooda.

Arrintaan ayaa micnaheedu yahay in ardayda dugsiga sare ee deegaankaas aan looga baahneyn wax kharashaad ah in ay bixiyaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker