Siyaasi Cabdirahmaan C/shakuur oo fariin adag ugu baaqay Xukuumadda Farmaajo

Muqdisho (OWN)- Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayay xiisadda ka dhalatay dilkii mooto Bajaajlaha loogu geystay magaalada Muqdisho.

Qoraalka uusoo dhigay Facebook ayuu ku baaqay in xilka laga qaado taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir, islamarkaana awooda ciidamada booliska loosoo celiyo taliyaha ciidamada booliska.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada dowladda ee ka amar qaata taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir dhaqan celin loo sameeyo.

Qoraalka C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa u qornaa sida:-

Marxuumkani Allaha u naxariistee waa wiil Bajaajle ah oo ay ciidanka Booliska toogteen isaga iyo ruux kale oo rakaabkiisa ahaa.

Habdhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir wuxuuna la socdaa taliska cusub. Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka.

Si dhibka xal loogu helo, madaxda dawlada waxaan kula taliyanaa

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

Xiisad adag ayaa ka dhalatay dil maanta isgoyska Howlwadaag loogu geystay wade mooto Bajaaj iyo ruuxii rakaabka ahaa ee saarnaa, waxaana dadweyne Careysan ay xireen waddooyin badan iyagoo taayaro badan gubay.

Wararka aan heleyno ayaana sheegaya in tirada dhimashada ay sii korortay, waxaana dhimashada lagu sheegay inay gaareyso 7 ruux.

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker