Iiraan oo saraakiil sarsare maanta laga dilay

Afar sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Iiraan ayaa lagu dilay qarax looga shakisan weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda Suuriya.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay ka dambeysay weerarkaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen afar la-taliye oo dhanka milatariga ah iyo sidoo kale tiro ka mid ah ciidamada Suuriya.

Israa’iil kama aysan hadlin. Muddo sanado ah ayaa waxa ay duqaymo la beegsanaysay bartilmaameedyo xiriir la leh Iiraan oo ku yaalla Suuriya.

Duqeymaha noocan oo kale ah ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Qasa kaddib weerarradii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar iyo aargoosashadi Israa’iil oo weli socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker