Guddida Ruqsad-bixinta iyo Ashax-marinta Qareenada Somaliland Oo Gudoomiye Cusub Doortay

Hargeysa (OWN)- Guddiga heer qaran ee u xil-saaran Ruqsad-bixina iyo Anshaxa Qareennada Somaliland, ayaa shir ay maanta isugu yimaaddeen ku doortay Hoggaanka Cusub ee labada sanno ee soo socda majaraha u hayn doona Guddiga.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha guddigani ka kooban yahay, waxa guddoomiye loogu dooray Garyaqaan Maxamed Cismaan Xasan (Cigaal) oo ka tirsan Ururka Qareennada ee Somaliland.

Xubnaha Guddiga heer Qaran ee Anshax-marinta iyo Ruqsad-bixina Qareennada Somaliland, ayaa ah guddi isku dhaf ah oo ka kala yimi qaybaha kala duwan ee hay’adaha sharci-dejinta iyo Garsoorka dalka.

Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada Somaliland, ayaa kooban Toddoba Xubnood oo ay soo kala magacaabaan Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, Labada Gole Baarlamaan ee Guurtida & Wakiillada iyo Ururka Qareennada Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub ee la doortay Garyaqaan Maxamed Cismaan Xasan Almis (Cigaal), ayaa labada sanno ee soo socda hoggaamin doona Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub ee la doortay Garyaqaan Maxamed Cismaan Xasan Almis (Cigaal),

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker