Safiirka Eritrea ee UK oo lagu amray in uu dalkaas ka baxo

Dowladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay ku amartay Safiirka Eritrea u fadhiya London Stephen Habtemariam inuu dalka ka baxo. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Eritrea iyo UK, oo xiriirkooda diblumaasiyadeed uu lahaa muddo ka badan sodon sano, aysan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan ceyrinta.

Sida laga soo xigtay website-ka safaaradda Eritrea ee London, Saleh Abdullah ayaa hadda ah madaxa safaaradda. Sababta ka dambeysa go’aanka dowladda UK ay dalkeeda uga ceyrisay Danjire Stephen Habtemariam ayaa lagu sheegay inay jawaab u tahay tallaabo la mid ah oo ay horay u qaadday Eritrea.

Waxaa xusid mudan in sanadkii hore safiirka UK ee Eritrea uu u safri waayay Asmara sababo la xiriira ogolaansho diblumaasiyadeed oo loo baahnaa oo uu ka waayay dowladda Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si gaar ah looma sheegin sababta ay madaxda Eritrea u gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, markii uu danjire Habtemariam la wareegay xilkiisa, isla markaana uu waajibaadkiisa gudanayay.

Isku day ay BBC-da Tigrinya samaysay oo ay ku doonaysay in ay dawladda Ereteriya uga hesho caddaymo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaanay ku guulaysan.

Stephen Habtemariam oo 8-dii sano ee la soo dhaafay wakiil uga ahaa dalka Ereteriya UK, ayaa bishii February ee sanadkii 2015-kii u gudbiyay warqadii magacaabista boqorada Elizabeth, wuxuuna si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa safiirnimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker