Israa’iil oo si cad u diidday in la abuuro dowlad Falatsiin ah oo madax banaan

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Neytanyahu ayaa sheegay inuu ku wargeliyay Mareykanka inuu diidanyahay amaba uu ka soo horjeedo qorshaha abuurista dowlad Falastiin ah oo madax banaan marka uu dhamaado dagaalka Qasa.

Shir jaraa’iid oo uu qabtay, ayaa Netanyahu sidoo kale ku adkeystay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Qasa ilaa buu yiri ay ka gaarayaan guul.

Waxaa uu dhanka kale sheegay, in dagaalka ka dhanka ah Xamaas uu qaadan karo ‘bilooyin hor leh’.

Qorshaha ah in la abuuro dowlad Falastiini ah dagaalka ka dib, waxaa dabada ka riixayay Mareykanka.

Iyadoo Qasa lagu dilay ilaa 25,000 oo qof oo reer Falastiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ay Xamaas maamusho, isla markaana boqolkiiba 85 dadka halkaas ku noolaa ay barakaceen, Israa’iil waxay wajaheysaa cadaadis ballaaran oo ah inay joojiso dagaalka isla markaana arrinta lagu soo af-jaro wadahadallo.

Xulafada Israa’iil, oo uu ku jiro Mareykanka iyo qaar badan oo ka soo hor jeeda, ayaa ku booriyay dib u soo yagleelidda “xalka labada dowlad”, kaas oo mustaqbalka Falastiin ka dhigaya dal deris la ah Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker