Garyaqaan sare oo Soomaali ah oo caan ka ah Kenya oo laga mamnuucay maxkamadda sare

Maxkamadda saree e dalka Kenya, ayaa garyaqaan sare, AxmedNaasir Cabdullaahi ka mamnuucday maxkamaddaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in AxmedNaasir uu si joogto ah eedeymo ugu jeedinayay garsoorka maxkamaddaasi isagoo aan soo bandhigin wax cadeymo ah.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wado olole ka dhan ah 7-da garsoore ee mudada dheer ka shaqeynayay maxkamadda sare ee Kenya, kuwaas oo uu ku eedeyay falal musuq-maasuq ah.

Warka maxkamadda kadib, qareen Axmednaasir ayaa qoraal soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, isagoo kaga jawaabaya go’aanka maxkamadda.

Qoraalkaas ayuu ku sheegay in muddo 30 sano ah oo uu ku howlanaa shaqada garsoorenimada, isla markaana ay tahay markii labaad ay maxkamadda sare qadeyso tallaabada looga mamnuucayo maxkamadda.

Waxaa uu sheegay in taariikhda Kenya uusan jirin qareen isaga lamid ah oo laga mamnuucay maxkamadda sare kadib markii uu garsoorayaal ku eedeeyay falal masuq-maasuq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker