Nin Soomaali ah oo la qabtay isagoo u dagaallamaya ciidamada Ruushka

Nin heystay dhalashada Soomaaliya ayay ciidamadu ku qabteen meel u dhow Mariinka toddobaadkii hore bariga Ukraine, sida ay sheegeen ciidamada Ukraine.

Militariga Ukraine ayaa ninkaas u qabtay maxbuus dagaal ahaan.

Warar aan la xaqijin oo uu shaaciyay Armiya TV ayaa sheegaya, in ninka iyo maxaabiis kale oo la qabtay, ay u dagaallameen ciidamada Ruushka. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu heysto baasaboor Soomaali ah uusanna fahmeynin afafka Ruushka iyo Ukraine.

Anton Gerashchenko, oo ah la taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Ukraine, ayaa ku xaqiijiyay warkan barta baraha bulshada, X. Si kastaba, Mr Gerashchenko ayaa soo qoray in Soomaaligan lagu qabtay meel u dhow magaalada Avdiivka ee gobolka Donetsk .

Si kastaba, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, iyo agaasimaha qeybta Yurub iyo Ruushka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinaari, ayaa labadaba sheegay inaysan wax war ah ka heyn muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu qabtay Ukraine.

Wareysi ay telefoonka kula yeelatay BBC-da, Mr Diinaari ayaa sheegay inaysan warbixin ka heyn Soomaalida la sheegay inay doonayaan inay u dagaallamaan ciidamada Ukraine ama Ruushka.

Warbixin dhowaan ay daabacday BBC ayaa lagu sheegay, inay soo badaneyso in kuwa wax shaqaaleysiiya ee Ruushka ay beegsadaan muhaajiriinta ajaanibka ah si ay uga dagaallamaan Ukraine waxaana ka mid ah dadka kasoo jeeda Soomaaliya.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker