Booliska oo ka hadlay tirada dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxa Muqdisho, iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Goor sii horreysay waxa qarax weyn laga maqlay bartamaha caasimadda Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay in qof walxo qarxa isku soo xiray uu is qarxiyay iyadoo ciidamada amaanku eryanayaan dibadda maqaayad aan ka fogeyn Aqalka Dawladda Hoose, wuxuna boolisku intaa ku daray in qaraxa ay ku dhinteen sedex qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyagoo bilaabay baaritaan la xiriirra sida ay wax u dhaceen.

War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegteen in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxa, kuna beegsadeen dad u shaqeeya dawladda, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxa kale oo ay sheegeen in qarax uu fuliyay qof naftiisa dilay oo kooxda ka tirsan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker