Turkiga oo sii daayay ciyaartoy u dhashay Israel oo loo xiray eedeymo “naceyb abuurid”

Garsoorka dalka ayaa siidaayay Sagiv Jehezkel oo u ciyaara naadiga kubbada cagta Antalyaspor. Ciyaar ka tirsneyd horyaalka Turkiga ayuu ciyaartoyga gacanta ku xirtay maro cad oo ay ku qoran tahay “100 maalmood. 10/7,” taas oo tilmaameysay weerarkii Xamaas iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Wasiirka cadaaladda ee Turkiga, Yilmaz Tun, ayaa sheegay in dacwad oogayaasha ay baarayaan ciyaartoyga oo dhanka weerarka ka dheela.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Sagiv JEHEZKEL in uu taageerayo “Xasuuqa Isreal ee Gaza”.

Jehezkel wuxuu sheegay in uu san taageersaneyn “dagaalka”. Israel waxay ku eedeysay Turkiga in uu yahay labo-wajiile.

Axadii ayey u buuxsan tahay boqol maalmood ilaa markii ay Xamaas weerartay Isreal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker