Al-Shabaab oo 7 nin ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe

Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in fagaare ku yaala degmada Jilib shalay galinkii dambe lagu toogtay todobo nin oo ay ku eedeyeen in ay basaasiin u ahaayeen Maraykanka , Kenya iyo Soomaaliya.

Ragga la toogtay oo da’doodu u dhaxaysay 19 sano illaa 55 sano ayaa maxkamadda xukunka ku riday waxa ay sheegtay in afar kamid ah ay ka tirsanaayeen sirdoonka dalka Kenya, halka mid kalena ay sheegtay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Labada kale ayay sheegtay in ay ka tirsanaayeen ciidanka Soomaaliya.

Qaadi ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka akhriyay eeddaha ragga la toogtay loo haystay, wuxuna sheegay in dhammaantood lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, iyagoo waliba qiraal ah.

Ma jirin qareenno iyo cid difaacaysay kooxda la soo eedeeyay ee markii dambe fagaaraha lagu toogtay, iyadoo boqollaal qof ay daawanayeen.

Kooxda ayaa sidan oo kale horey meel fagaare ah ugu toogatay dad ay ku eedeysay in ay yihiin jawaasiis u shaqaynaysay dawladda Soomaaliya iyo saaxiibbada gacanta ka siiya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker