Dawladda Soomaaliya oo u sharaxday Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan tartanka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya loo sharaxay tartanka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sannadaha 2025 illaa 2028.

Fawsiya waxa ay horey u soo noqotay Ra’isul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee qabata xil heerkaa gaarsiisan.

Sidoo kale waxay urur siyaasadeed ay madax ka tahay muddo hore ka furtay Somaliland.

Fowsiya waxay kamid ahayd aasaasayaashii Jaamacadda Hargeysa oo kamid ah Jaaamacaddaha ugu waaweyn Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker