Ciidamada Israa’iil oo Ol’ole kale oo balaadhan ka fuliyay Daanta Galbeed

Ciidamada Israa’iil ayaa ol’ole kale ka fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto.

Wiil dhalinyaro ah ayaa xabad ay rideen ciidamada Israa’iil haleeshay kahor inta aan la xirin habeenimadii Sabtida Koonfurta Galbeed ee janiin sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee Falastiiniyiinta.

Barqanimadii maanta oo Axad ah ciidamada Isra’iill ayaa xoog ku galay magaalooyin badan oo ka tirsan Ramallah iyo Al-Bireh, waxayna u daateen guryo ay degan yihiin Falastiiniyiinta, waxaana ay sameeyeen xarig iyo baaritaanno ballaaran.

Hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xaafaddaha Masrac Qarbiya, Caaruura, Bi’ri Sayt, xerada jalisoom, Baytu Riima, iyo waqooyiga Ramallah.

Wakaaladda Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay xireen Dalal iyo Fatima Al-Caaruuri oo la dhashay Saalax Al-Caruuri oo ahaa ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, kaas oo labadii bishan lagu dilay caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker