Maxay Falastiiniyiintu ka yiraahdeen dacwadda Koonfur Afrika ay Israa’iil ka gudbisay?

Tobannaan Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay Arbacadii, magaalada Ramallah oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto si ay ugu mahadcelinayaan dowladda Koonfur Afrika oo dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ.

Mas’uuliyiinta magaalada Ramallah ayaa sheegay in dowladda Koonfur Afrika ay muujisay in ay dareemayso dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Falastiin oo duqeymo iyo dagaal kala kulmaya Israa’iil.

Koonfur Afrika ayaa Israa’iil ku eedaysay in ay “xasuuq” ka gaysatay Marinka Qasa.

Qoraal ka kooban 84 bog oo loo diray Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa Koonfur Afrika waxay ku boorisay garsoorayaasha inay ku amraan Israa’iil inay “si degdeg ah u joojiso hawlgalkeeda millatari ee Qasa.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Israa’iil ay ku howllantahay ficillo “xasuuq” ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker