Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo kalagii ka Degay Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland
Garoowe (OWN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhowayd gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha wakiilada maamulkaasi aYaa si diiran ugu soo dhoweeyey halkaasi.
Cabdi Xaashi oo kali u socod ahaa muddooyinkii la soo dhaafay, kadib khilaafka soo dhex-galay labada Gole ayaa waxaa socdaalkan kali uga baxay magaalada Muqdisho, marka laga tago Senataro kooban oo la socday, kuwaas oo ka mid ah xubnaha la safan.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Garoowe uga qeyb-galaya aaska madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku kala geeriyooday Kenya iyo Turkiga.
Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi gaadhaan madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo ka amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.