Shiinaha oo si adag uga hadlay arrinta Taiwan uguna baaaqay Mareykanka joojinta hubeynta

Shiinaha ayaa sheegay in aysan “weligeed tanaasul ka sameyn doonin” arrinta Taiwan, wada-hadalladii militari ee ugu horreeyay oo ay la yeeshaan Mareykanka tan iyo 2021-kii.

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa Mareykanka ku boorriyay “inuu joojiyo hubeynta Taiwan” oo uu u qaato walaaca Shiinaha “si dhab ah”.

Arrintaan ayaa ku soo beegantay maalmo yar ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee Taiwan, oo jasiiradda ka sii fogaan kara Beijing.

Shiinaha ayaa ku andacoonaya in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, laakiin jasiiradda ayaa isu arkta mid ka duwan dhul weynaha Shiinaha.

“Shiinuhu waxa ay muujiyeen rabitaankooda ah in ay horumariyaan xiriirkooda caafimaad iyo xasilooni iyo mid milatariba oo ay la yeeshaan Maraykanka taas oo ku salaysan sinnaan iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Waxaa intaa la raaciyay in Maraykanku uu u baahan yahay inuu u qaato welwelka Shiinaha “si dhab ah”, iyada oo intaa lagu daray in Beijing aysan “wax tanaasul ah ka sameyn doonin su’aasha ku saabsan Taiwan waxaana laga dalbaday Mareykanka in uu ixtiraamo mabda’a ah hal wadan oo Shiinaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker