Nin la sheegay inuu dilay ninkii soo barbaariyay oo ahaa Sheekh caan ah

Booliska magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa baadi goobaya nin lagu magacaabo Maxamed Shakuur Ababaaw oo lagu eedeynayo inuu dilay Sheekh imaam ka ahaa masaajid, sidoo kalena ahaa macallin laguna magacaabi jiray Sheekh Cabdu Yaasin.

Laamaha ammaanka ayaa ninkaan ku wargeliyay inuu isa soo dhiibo iyagoo ka dalbaday dadweynaha in ciddii garaneysa ninka la raadinayo ay ku soo wargeliyaan booliska.

Dilka ayaa ka dhacaya deegaanka Kolfe Qaraaniyoo ee magaalada Adis Ababa.

Golaha Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa sheegay in Sheekhan la dilay isagoo ka soo baxay masaaidka oo ku sii jeeda gurigiisa.

Sheekh Cabdu Yaasin ayaa ahaa nin aad loo yaqaanno oo dad badan wax baray gaarahaan diinta Islaamka, iyadoo la sheegay inuu soo barbaariyay ninka lagu tuhmayo in dilkiisa ka dambeeyay.

Wuxuu Imaam ka ahaa masaaid lagu magacaabo Badir oo ku yaalla xaafad ka mid ah xaafadaha Adis Ababa.

Culimada iyo dadka deegaanka ayaa aad uga xumaaday dilka Sheekh waxaana dowladda ay ka dalbadeen in dadka lagu tuhmayo falkaan la hor keeno cadaaladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker