Warbaahinta dowladda Lubnaan oo ku warrantay in Israa’iil ay weerartay baabuur marayay koonfurta dalkaas

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay in taliye sare oo door hoggaamineed ku lahaa maareynta howlgallada Xisbullah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay baabuurkiisa oo marayay koonfurta.

Waxaan wali ka shaqaynaynaa in aan sawir buuxa ka helno dhacdooyinka, laakiin mar sii horaysay, wakaalada warbaahinta dawladda ee Lubnaan ayaa sheegtay dhaawacyo ka dib duqayn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen gaadhi nooca Skoda Rapid tabankii iyo rubi barqanimo wakhtiga maxaliga ah.

Waxay sheegtay in gaariga uu marayey wadada agagaarka deegaanka Al-dabsha ee magaalada Khirbet Selm, oo ka tirsan degmada Bint Jbeil.

duqeynta ayaa sababtay in gaariga uu wadada ka baxo oo uu dab qabsado, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Kooxaha caafimaadka degdega ah iyo kuwa dab-damiska oo ka kala socda Difaaca Madaniga ah, Isbahaysiga Islaamka, Laanqayrta Cas, iyo gurmadayaal kale ayaa isla markiiba goobta soo gaadhay waxayna ka shaqeeyeen daminta dabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker