Qofka uu yahay taliyaha sare ee Xisbullaah laga dilay oo hadda la sheegay magaciisa

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay in Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbullah ee lagu dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Lubnaan, laguna magacaabi jiray Wissam Al-Tawil, oo ahaa ku-xigeenka madaxa unug ka tirsan kooxda Radwan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex ilo amni ayaa sheegtay in al-Tawil iyo dagaalyahan kale oo ka tirsan Xisbullah la dilay kadib markii gaari ay wateen lala helay gantaal,weerarkankan oo ka dhacay tuulada Majdal Selm ee dalka Lubnaan.

“Kani waa weerar aad u xanuun badan,” mid ka mid ah ilaha ammaanka ayaa yidhi.

Mid kale ayaa ku daray: “Arrimuhu hadda ayey circa isku shareeri doonaan.”

Hogaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah ayaa horay uga digay Israa’iil in aysan dagaal saf ballaaran ah ku qaadin Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker