Kooxda Liverpool oo Xalay Cashar Lama Ilaawaan ah u dhigtay Barcelona ka dib markii ay Garoonka Anfield kaga badisay 4 VS 0

 

 

 

Andy Robertson ayaa qosolka ku danbeeyay xalay ka dib markii Liverpool ay gaartay finalka Champions League habeen taariikhi ah oo soo martay garoonka Anfield.

 

 

 

 

kooxda Reds ayaa lugta labaad ee semi-finalka Champions League la ciyaareysay Barcelona iyadoo lugtii hore looga soo badiyay 3-0, waxaana Reds ka maqnaa Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Waxaana ay ogaayeen inay u baahan yihiin mucjiso si ay soo laabasho taariikhi ah u sameeyaan haddii ay doonayaan finalka Madrid ka dhacaya.

Waxa ay ku bilowdeen sidii ugu fiicneyd markii uu Divock Origi hogaanka u dhiibay laakiin howshooda ayaa adkaatay markii Robertson la bedelay waqtigii nasashada.

Daafaca bidix ee Reds ayaa u baahday in garoonka Anfield lagu dhex daweeyo ka dib dhaawac uu u geystay Luis Suarez kaasoo u muuqday inuu si ku talogal ah haraanti ugu reebay.

 

Laakiin Robertson ayaa qosolka ku danbeeyay dhamaadkii ciyaarta markii Liverpool ay 4-0 ku badisay islamarkaana ay ku soo baxday natiijo 4-3 ah.

Markii dhacdadaan wax laga weydiiyay, Robertson ayaa u sheegay BT Sport: “Kumaa aadaya finalka? Waa anaga.

“Waa intaas muhiimada. Gini ayaa i bedelay, waxaana uu dhaliyay labo gool. Haatan culeys iguma heyso dhacdadaas.

“Wax badan ayaa iri xilli ciyaareedkan laakiin alla maxaan koox nahay. Waan is aaminsanahay. Dadku waxay filayeen inaan hareyno. Laakiin waxaan aaminsaneyn in haddii aan si fiican ku bilaabano inaan sameyn karno soo laabasho.

“Alisson waxa uu sameeyay badbaadino cajiib ah. Axada waxaa ku ciyaareynaa tamar buuxda, horyaalka gacanteena kuma jiro laakiin waxyaabo qariib ah ay dhacaan sida caawa oo kale.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker