Midowga Afrika oo ku booriyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay xiisadaha dhexdooda ka taagan si nabad ah ku xalliyaan

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, oo uu caalamku u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika wuxuu codsaday in la is dejiyo oo la is ixtiraamo si loo qaboojiyo khilaafka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay labada dal inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-banaanida buuxda ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la raaco mabaadi’da deris-wanaagga si loo kobciyo loona ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ku booriyay labada dal  in ay yeeshaan hannaan wada-hadal oo aan dib-u-dhac lahayn si ay khilaafkooda ugu xalliyaan qaab wax-dhis ah, nabad iyo wada-shaqeyn ah, si ay u xoojiyaan, una sii qoto dheereeyaan iskaashigooda nabadda iyo amniga gobolka.

Midowga Afrika wuxuu sheegay inuu si adag u garab istaagi doono dhinacooda si ay u taageeraan xal u helida caqabadaha cusub ee Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker