Qaraxyo ay ku dhinteen tobanaan qof oo ka dhacay Iiraan

Ugu yaraan konton qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay badhtamaha Iiraan meel u dhow qabriga taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka.

Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in qaraxyadu ay si xiriir ah uga dhaceen magaalada Kerman, xilli ay socotay xaflad lagu xusayay dilkii Qassem Soleimani oo ay 2020-kii fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku.

Muuqaallada baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta oo ku sii jeeda qabuuraha, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii afraad ee geeridii Soleimani. Maamulka Kerman ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dambeeyeen dad is qarxiyay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker