Jawaabta Xisbullah waxay bedeli kartaa qaabka dagaalka

Madaxa wararka caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet ayaa falanqaynaysa sida ay jawaabta Xisbullaah u badali karto qaabka dagaalka:

Israa’iil waxay “tilaabo ka qaadi doontaa hoggaamiyeyaasha Hamas meel kasta oo ay joogaan”. Taasi waxay ahayd digniintii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu bishii November.

Saleh al-Arouri, oo ahaa ku xigeenkii hogaamiyaha Xamaas ee lagu dilay Beirut shalay, ayaa la ogaaday in uu ku jiray liiska dadka ay khaarijinayso Israa’iil . Wuxuu sidoo kale ku jiray liiska madow ee Mareykanka, iyadoo madaxiisa la dul dhigay $5m tan iyo 2018.

Israa’iil inta badan ma xaqiijiso ama ma diiddo hawlgalladan oo kale, laakiin iskahorimaadkan dheer ayaa ah taariikh dilal qorsheysan.

Xitaa ka hor inta uusan qarxin dagaalka Xamaas, hogaamiyaha Xisbullaah Hassan Nasrallah ayaa ka digay in weerar kasta oo lala beegsado dhulka Lubnaan uu dhalin doono “jawaab awood leh” isaga iyo xulafadiisa Iiraan waxay ogyihiin jawaabtoodu hadda inay bedeli karto qaabka dagaalkan.

Xisbullaah ayaa isku dayday in ay ku soo koobto hawlgalladeeda xadka koonfureed ee ay la wadaagto Israa’iil si ay uga fogaato in ay Lubnaan u soo jiido isku dhac khasaare badan. Laakiin weerarkan, oo ka dhacay xaafadaha koonfureed ee Beirut, ee ka dhanka ah sarkaalka Xamaas ee xidhiidhka muhiimka u ahaa Xisbullah iyo Iiraan, ayaa badalay shaxdooda.

Dhimashada Al-Arouri waa inay sidoo kale soo jeedisaa feejignaanta Turkiga iyo Qatar oo ay sidoo kale deggan yihiin hoggaamiyeyaasha Xamaas, iyagoo aaminsan inay halkaas ammaan ku ahaan doonaan.

Baaqyada is xakamaynta ayaa kor u kaca marka hadka xiisaddu ku fido gobolkan oo uu sii dheeraado siina madoobaado

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker