Milatariga Israa’iil oo sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsann Xamaas

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsan ururka Xamaas kadib weerar habeen hore ka dhacay magaalada Darul Balax ee bartamaha Qasa.

Ciidanka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Adel Msammah uu hogaaminayay kooxda Nukhbah ee weerarka ka fuliay magaalada kibbutz ee koonfurta Israa’iil todobadii Oktoobar.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in Msammah uu sidoo kale agaasimay hawlgallo kale, iyadoo kooxdu ay dhaaftay deegaanada soohdinta ee Be’eri iyo Nirim.

Meelo ka ka mid ah Israa’iil oo ay Telaviv ku jirto wuxuu sannadku cusub ugu bilowday sidhiga digniinta kadib markii ay Xamaas gantallo ku weerartay.

Ciidamada Cirka ee Israa’iil iyo kuwa badda ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan guud ahaan Marinka Qasa, iyagoo taageero siinaya ciidamada dhulka ee u sii durkaya dhanka koonfureed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker