Faa’iidooyinka iyo halista la yaabka leh ee quruxda ay leedahay

Ma laga yaabaa in aad tahay qof aad u qurux badan?, taasi dabcan ma ahan arrin dhib ku ah dadka intooda badan, dad badan ayaana ku riyooda in ay noqdaan dad qurux badan.

Dadka darsa cilmu nafsiga ayaa muddo dheer ku foognaa faaiidooyinka iyo halisaha ay quruxdu leedahay.

Suurtogal ma tahay in dadka nasiibka u heley jir iyo qaab qurxoon in ay ku noolyihiin hadhka ammaanta iyo boggaadinta dadka, ama waa wax iska sahlan?.

Lisa Slattery iyo Tonya Frevert oo ka tirsan jaamacadda North Caroline ee magaalada Charlitte, kuwaas oo ah qubaro dhanka cilmi nafsiga ah oo soo akhriyay daraasado badan oo quruxda laga qorey ayaa qaba in arrinka uusan ahayn sida loo malaynayo.

“Qofka quruxsan waxaa loo tiiriyaa in uu yahay qof wanaagsan, lehna astaamo wanwanaagsan, waxaana taana keenaya maskaxdeena qeybta hurudda oo quruxda la xiriirisa wanaagga” ayay tiri Lisa Walker.

Qubarada Cilmu Nafsiga waxa ay qabaan aragtida ah “wixii quruxsanba waa wanaagsanyihiin” in ay tahay tan saamaynta weyn ku leh bulshada.

Dadka daawaday taxanayaasha 30 Rocks ee sitcom waxa ay ka marqaati noqon karaan in atooraha lagu magacaabo John Hamm’s uusan ahayn nin ku wanaagsan dhanka caafimaadka, balse uu ka barmoosay iskuulka caafimaadka, sababtuna ahayn bashaashnimadiisa iyo muuqaalkiisa qurxoon.

Sida ay qabaan labadan aqoonyahan, cilmi baarisyo badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in ardayda bilicda san ama quruxsan in ay macalimiinta u arkaan dad karti badan oo waxbarashada ku fiican, waxayna tani ka muuqan kartaa buundooyinka la siiyo.

Toya Frevert ayaa tiri “Quruxda waxa ay kaa dhigaysaa qof isku kalsoon, fikrado togan haysta, islamarkaasna hela fursado uu kusoo bandhigo xirfadiisa”.

Waxa xitaa la sheegay in qofka quruxsan uu lacag badan helo marka la joogo shirkadaha waaweyn, haddii la barbardhigo dadka kale .

Sidoo kale quruxda waxa ay waxka tartaa dhanka maxkamadaha, waxaana la sheegay in natiijo wanaagsan ay maxkamadaha ka helaan dadka quruxsan. Waxaa taasi la mid ah in dadka quruxsan loo arko hoggaamiyeyaal wanaagsan.

Balse sida ay muujinayaan daraasadaha, dadka quruxsan, rag iyo dumarba waa dad inta badan laga hinaaso, tusaale haddii uu imtixaam shaqo kaa qaado qof aad isku jinsi tihiin oo u arka in aad ka qurux badantahay, waxa ay u badantahay in aadan shaqadaasi helin.

Waxaaba taas kasii daran in quruxda lala xiriiriyo caafimaad qabka, sidaas darteed qofka quruxsan marka uu xanuunsado aad looma aamino ama loogama welwelo, iyada oo dhaqaatiirta aysan waqti badan ku bixinaynin daweynta dadka quruxsan.

Sida ku cad xog laga heley bogga haasaawaha ee OKCupid, dadka sawirada quruxsan ay u saaranyihiin aad ayay u yartahay in ay heleen qof dhiggooda ah oo ay lammaane noqdaan marka la barbardhigo dadka aanan sidaasi usii qurux badnayn, sababta waxaa lagu sheegay in dadka doonaya lammaanayaasha aysan u arag in ay dhig la yihiin qofka ka quruxda badan.

Quruxda waxa ay wadataa welwel maadaamaa dadka ay aad ugu mashquulayaan qofka quuxsan, sidoo kalena waxa ay tani qabsadaa qofka aad ugu fikira ama ku mashquula muuqaalka jirkiisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker