Iiraan oo deldashay afar qof oo ay Israa’iil la xidhiidhisay

Garsoorka dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xabsiga Urmia ay ku daldaleen afar qof oo lagu eedeeyay dambiyo basaasnimo iyo qaran dumis ah iyaga oo la yiri u adeegaya Israa’iil.

Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazou iyo Nasim Namazi ayaa dil lagu xukumay sanad ka hor kiis ay ku lug lahaayeen lix qof oo kale oo la xukumay.

Mid ka mid ah eedeymaha ay wakaaladda wararka ee garsoorku u soo jeedisay dadka la daldalay ayaa ah in ay “afduubteen dad una hanjabeen oo ay jirdileen si ay si been abuur ah ugu sheegaan in ay yihiin ilaalada Iiraan kadibna ay been ku saabsaan hadafkooda mustaqbalka ka faafiyaan”.

Dilka Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazo iyo Nasim Namazi ayaa dhacay hal maalin uun kadib markii la aasay Razi Mousavi. Razi Mousavi ayaa ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds oo geeridiisa Suuriya si weyn loo hadal hayo in ay ka dambeysay Israa’iil.

Maamulka jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa ku hanjabay in ay “uga aargudan doonaan” Israa’iil dilka taliyahan sare

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker