Diyaaraddii ay afduubayaashu ka dajiyeen Muqdisho iyo sidii ay u maareysay dowladda Soomaaliya

Muddo dhowr iyo afartan sano ah ayaa laga joogaa markii Soomaaliya ay amaan weyn ku heshay howlgal laga fuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaasoo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Soomaalida.

Subax Talaado ah,18-kii October 1977, ayaa howlgalkaas taariikhiga ahaa lagu badbaadiyay rakaabka diyaarad ay soo afduubteen koox Falastiiniyiin ah.

Iyadoo ay uun 90 daqiiqo ka dhinayd waqtiga ay ku gooddiyeen kooxda wax afduubatay inay laynayaan rakaabka diyaaradda, ayaa ciidamo kumaandoos ah oo ka socday Jarmalkii Galbeed oo gacan ka helaya militariga Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen diyaaradda.

Halkaas waxaa lagu soo afjaray afduubkii diyaaradda ee socday 5 maalmood, ilaa 6,000 oo meylna ay ku jartay diyaaradda intii meelaha kala duwan marba mid la geynayay.

Isla goobtaas ayaa lagu dilay labo nin oo ka mid ahaa afartii qof ee afduubatay diyaaradda. Waxaa gacanta lagu dhigay nin kale oo markii dambe u geeriyooday dhaawac, halka qofka 4-aad ay ahayd haweeney la xiray.

Waxaana la badbaadiyay rakaabkii diyaaradda oo ahaa 86 ruux, iyagoo wada nabad qaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker