Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ku kulmaya dalka Jabuuti

Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in saacadaha soo socda kulan fool ka fool ah uu ku dhexmari doono dalka Jabuuti madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in maanta ay ka kala baxaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, iyagoona ka dagi doono Caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo wararka ka imaanaya ay sheegayaan in laga dareemayo qaban qaabada kulanka labada madaxweyne uu gar wadeenka ka yahay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa kulankooda si gaar ah uga wada hadli doona arimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo waliba sidii dib loogu amba qaadi lahaa wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jiray 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

Kulanka labada Madaxweynaha waxaa ka qeyb ah Wasiiro ka kala tirsan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Somaliland iyo ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ma ahan kulankii ugu horeeyay oo dhexmara madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana sidaan oo kale ay sanadkii hore bishaan oo kale ugu kulmeen isla dalka Jabuuti, waxaana la filayaa in kulankaan ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker