Wariye Ka Baxsaday Waftigii Javad Zarif Oo Iska Dhiibay Dalka Swedan
Wakaaladda socdaalka Sweden ayaa u xaqiijisay laanta wararka Ekot inuu suxufigii Iiraaniga ahaa ee horay loo sheegay inuu ka tagay wafdigii uu hor kacayay wasiirkii arrimmaha dibadda Iiraan, Javad Zarif uu Sweden ka codsaday magangelyo.
Axaddii ayaa la soo daabacay wareeysi ay suxufiga kula yeelatay luuqadda afka beershiga idaacadda VOA laanteeda afka beershiga. Halkaasina oo uu kaga warbixiyay sida uu uga baxsaday wafdiga oo ay si adag u ilaalineyeen ciidammada sir doonka dalka Iiraan.
Maalintii arbacada ee bisha agoosto ahayd 21 ayaan khiyaamay saraakiishii sir doonka Iiraan ee howshoodu ahayd iney saxafiyiintayada ilaaliyaan, anigoona ku guuleeystay inaan ka baxsado. Waxaan taksi u qaatay xarunta boliiska una sheegay cidda aan ahay. Waxay ii muujiyeen qiimayn waxeyna i geeyeen wakaaladda socdaalka si aan magangelyo uga dalbado.
Suxufiga ayaa ka howlgali jiray wakaaladda wararka ee Moj News ee dalka Iiraan, wuxuuna ka mid ahaa dhowr suxufi oo la socday wafdigii wasiirka arrimmaha dibadda Iiraan Javad Zarif safarkiisii uu ku marayay waddammada dhaca waqooyiga Yurub (norden). Safarka wasiirka ayuu ka dambeeyay sidii taageero caalami ah loogu raadin lahaa heshiiskii qorshaha atoomikada ee dalka Iiraan. Isagoona la kulmay wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallstrรถm.
Wareeysiga suxufiga lala yeeshay ee lagu daabacay internetka ayuu ku sheegay isaga oo ilmeeynaya in maalin ka hor intii aanu baxsan ay farriin ka soo gaartay suxufi ey wada shaqeeyn jireen oo ku sugan magaalada Tehraan, midkaasina oo u sheegay in ciidanka nabadsugiddu baaris xoog ah ku sameeyeen goobtiisa shaqada si ay u qabtaan. Suxufiga saaxiibkii ayaa sidoo kale kula taliyay inuu xaaskiisa iyo carruurtiisana kula taliyo iney dhuuntaan oo iska qariyaan hayadaha dawliga.
Markii ay Ekot la xiriirtay safaaradda ay Iiraan ku leedahay Sweden ayuu diblomaasiga Rostam Adabinia markii hore sheegay in suxufiga la laโyahay, isla markaana baadigoob loogu jiro. Hase yeeshee dabadeed kolkii la waydiiyay sida ay u arkaan inuu magangelyo ka dalbaday Sweden uu dib telefoon u soo diray, isagoona sheegay in fikraddoodii wax iska bedeleen iyo inay iminka u arkaan qof khaaโinul waddan ah, inuu ka beensheegayo in xafiiskoodii xoog lagu galay iyo inuu dano shakhsiyan ah kaga faaโiideeystay safarkii wafdigii wasiirka arrimmaha dibadda Iiraan.