Guddiga Anshaxa ee komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Awaamir Culus Soo Saaray
Waxaa beri oo isniin ah kuna beegan 31-ka bisha May lagu wadaa in Somaliland ka bilowdaan doorashooyinkii isku sidkan ee Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka Somaliland.
Doorashada ay ku loolamayaan musharixiin ku tartamaya sadexda xisbi qaran ee ka jira Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayay olalaha doorashada , iyadoona xisbi waliba maalin gaar ah qabsanayay olalaha doorasho.
Guddiga Anshaxa & Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay sharuudo laga doonayo in ay ilaaliyaan madaxda xisbiytada Somalilanad ee tartamaya iyo dadka u codeedanaua xisdbiyadaasi.
Halkan ka Ahhriso Shuruudaha ay soo bandhigeen Guddiga anshaxa iyo xalinta Khilaafaadka
Ilaalinta Nabadgalyada.
Ilaalinta Anshaxa.
Ilaalinta dhaqanka & shareecada islaamka iyo ka fogaanta wax kasta oo kahor imaan kara.
Ilaalinta dhaqanka soo jireenka ah.
Ilaalinta shuruucda & qawaaniinta lagu heshiiyay.
Ilaalinta kala fogaanshiyaha dadka sabab ka dhalatay Covid-19.
Waxaa musharixiinta & Codbixiyaasha ka reeban Calamada, Summadaha & waxkasta oo Xisbi leeyahay
Doorashada Somaliland waxaa kor kala soconaya kormeerayaal ka socda dhoor iyo toban dal oo Afrikan u badan, waxaana kormeerayaasha ku jira Madax hore iyo siyaasiyiin caan ah.