Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Mareykanku ku qaaday saldhigyo kooxda Kataa’ib ay leedahay

Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay weerar ay ku qaadeen cutubyo ka tirsan maleeshiyada Kataib ee ururka Xisbullaah ee dalka Ciraaq.

Taliska dhexe ee Maraykanka ee Bariga Dhexe ee CENTCOM, ayaa ku dhawaaqay Isniintii in iyada oo laga jawaabayo weerarrada ay dagaalyahannadani ku qaadeen fariisimaha ciidamada isbahaysiga ee Ciraaq iyo Suuriya, ay weerareen fariisimaha “Kooxda Kataib Xisbullaah” iyo maleeshiyaad kale.

Duqeymaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii saldhig ciidamada isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Erbil lagu beegsaday diyaarad aan duuliye lahayn.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerarkan.Xaalada mid ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la sheegay in xaalkiisu uu liito.

Kooxda Kataib Xisbullaah ayaa ka mid ah kooxaha maleeshiyada ah ee xiriirka la leh cidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Centcom, waxaa la burburiyay bartilmaameedyadii ay kooxdy laheed.

CENTCOM ayaa sidoo kale shaacisay in laga yaabo in dagaalyahanada qaar lagu dilay weeraradan. Sida laga soo xigtay maamulka gobolka Kurdistan ee Ciraaq, weerarkan ka dib waxaa in muddo ah la hakiyay duulimaadyadii garoomada diyaaradaha ee Erbil.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay weerarka lagu qaaday saddex goobood oo ay leeyihiin Kataib Xisbullaah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker