Dal dadkiisa doonaya in ay ku biiraan shaqaalaha dawladda ku xiraya mashiin lagu ogaanayo in ay been sheegayaan

Dadka codsanaya in ay ku biiraan shaqaalaha rayidka ah ee dalka Kyrgyzstan ayaa la marsiinayaa tijaabada been qabadka, iyada oo la isku dayayo in arrintani ay wax ka qabato musuqmaasuqa.

Kyrgyzstan ayaa lagu qiimeeyaa in ay ka mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana madaxweynaheedu uu arrintan ku eedeeyay in ay sabab u tahay heerka sare ee saboolnimada.

Waxaa jiray isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu soo bandhigo qalabka been qabadka oo loogu talagalay saraakiisha Kyrgysztan, laakiin tani waxaa noqotay in laga tago, kadib markii la waydiiyay dakhligooda waxay tijaabadan lagu ogaaday in boqolkiiba siddeetan ay ka been sheegeen mushaharkooda.

Mashiinta been qabadka ayaa qofka lagu xiro, waxa heer saxnaantiisu sarayso lagu ogaanayaa in qofku been sheegayo marka uu hadlayo iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker