Raisal wasaaraha Denmark oo la kulmey MWeyne Farmaajo , si uu uga dhameysto ballan soomaalida lagu masataafurinkaro

Raisal wasaaraha wadanka Denmark Lars Løkke Rasmussen ayaa la kulmey Madaxweynaha dalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo , isaga oo raadinaya in uu la gallo ballan lagu soo celin karo Soomaalida sharciyada lagala noqdey iyo kuwa loo diidey magangalyada.

 

Maamilntii Isniintii ayuu magaalada Sharm el sheikh kullan kulaqaatey madaxweyne Mohamed Abdulllahi Mohamed halkaas oo ay labada hogaamiye ujoogeen in ay kaga qeybgalaan shir heer sare ah oo ka socdey.

 

”Waa arin wanaagsen noocan dibunoqoshada xorta ah, waana fikrad heersare ah hadii ay suurtogal tahey in dadkaas lasii riixo, sidaa daraadeed baanu dabcan u rabnaa ballan lagu celin karo” ayuu yidhi raisal wasaare Løkke .

 

Denmark waxaa ka jira nidaam taageero dhaqaale lagu siiyo dadka iskood dalkoodii dib ugu noqonaya, Laakiin dadkaasi waligoodba dhib ma qabin oo qofkii raba taageero ayaa la siiyaa dalkiisii baanu dib ugu noqdaa taasna wax dhib ahi kama jirin, inkasta oo ay tahey tiro aad iyo aad u yar inta sidaas yeeshay,

 

Waxaa hadaba laga cabsi qabaa in madaxweynaha Soomaaliya uu saxeexo heshiis loogu sheegey dad iskood usoo noqonaya laakiin ay ku qarsoontahay xeelad kale oo ah dad la rabo in qasab lagusoo mastaafuriyo.

 

”Waa arin aad u muhiima in soomaalida Denmark ay dalkoodii ku laabtaan si ay uga qeybqaataan dibudhiska dalkooda ” ayuu saxaafada u sheegay raisal wasaare Lars Lykke Rasmusen kadib kolkii uu ka soo baxay shir qaatey saacad badhkeed oo uu la yeeshey madaxweyaha dawlada fadaaraalka ah ee soomaaliya Mohamed Abdullahi (Farmaajo).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker