Booliska Soomaaliya oo qabtay nin ay sheegeen in uu dil ka geystay Nairobi

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu dil ka geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaas oo baxsad ku tagay Muqdisho.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa sidan lagu yiri: “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi Kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi”.

Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha la hor geyn doono cadaaladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker