Israa’iil oo duqeysay Qaza iyadoo Qaramada Midoobay ay ku baaqday gargaar dheeraad ah

Duqeymaha Israa’iil ee Marinka Qasa ayaa sii socday xalay saqdii dhexe, iyadoo la soo sheegayo duqeymo joogto ah inay jiraan.

Duqeymo cirka ah oo Israel ay ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 18 qof, sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin.

Dad ku jira xero kale, oo lagu magacaabo Bureij, ayaa ciidanka Israa’iil waxay ku amreen inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed maaddaama ay sii wadayaan duullaanka dhulka.

Magaalada New York, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku ansixiyay qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo Gaza.

Si kastaba ha ahaatee mooshinka ayaa ka gaabsaday inuu ku baaqo xabbad-joojin degdeg ah oo lagu sameeyo dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker