Ciidamada Somaaliya oo sheegay inay fuliyeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibbo caalami ah lagu beegsaday saldhigyo lala xiriirinayo al-Shabaab ee ku sugan Koonfurta Mudug.

Howlgallada oo xalay la sameeyay ayaa waxaa si gaar ah loogu weeraray saldhigyada howdka ku yaalla inta u dhaxeysa Caad iyo Cadalley, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa ku warramay in weerarkan uu ujeedkiisu ahaa in lagu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ee gobolka, gaar ahaan aagga koofurta buurta Yackoos.

Ciidamada ayaa sheegay in xilliga howlgalka uu socday ay al-Shabaab ku howlanaayeen diyaarinta walxaha qarxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker