Ugu Yaraan 7 qof oo Ku Dhintay Rasaas Ka Dhacday Gobolka Texas Ee Dalka Maraykanka
ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay, 20 kale waa ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday gobolka Texas ee dalka Maraykanka.
Weerarkan ayaa dhacay kadib markii booliisku ay joojiyeen gaadhin u watay ninka dilka gaystay oo hubaysanaa meel u dhaxaysa Magaalooyinka Midland and Odessa. Ninkan ayaa rasaas ku furay booliiska kadibna wuxuu si aan kala sooc lahayn u rasaas ugu furay baabuur iyo dad shacab ah oo goobta marayay.
Booliisku waxay sheegeen ninka dilka gaystay uu ahaa qof cadaan ah oo da’dia 30ka ahayd, ninkan ayaa goor dambe ay Booliisku toogasho ku duleen.Ma cadda sababta ku kaliftay inuu dilkan gaysto hase yeeshee booliisku waxay sheegeen inay baadhayaan.