Wiil “aabihii” iyo 14 qof oo kale ku dulay Jamhuuriyadda Czech

Jamhuuriyadda Czech ayaa Sabtidii ku dhawaaqday maalin baroor diiq qaran ah, kaddib markii nin hubeysan uu 14 qof ku dilay 25 kalena ku dhaawacay jaamacad ku taal Prague.

Madaxweyne Petr Pavel wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay “murugada weyn” iyo “carada aan waxtarka lahayn ee aan loo baahnayn”.

Ninka weerarka geystay oo ay booliisku sheegeen in “la dilay” ayaa la rumeysan yahay inuu sidoo kale dilay aabihiis, waxaana laga yaabaa inuu xiriir la leeyahay dhimashada laba qof todobaadkii hore.

Waa mid ka mid ah toogasho wadareedyadii ugu xumaa ee taariikhda Yurub xilliyadan dambe.

Toogashada ayaa bilaabatay abbaare 3:00 xilliga maxaliga ah ee Khamiista taas oo ka dhacday dhismaha kuliyadda fanka ee jaamacadda Charles oo ku taal bartamaha caasimadda Czech.

Ninka hubeysan ayaa rasaas ooda uga qaaday dariiqyada iyo fasallada dhismaha, iyadoo sida muuqata uu u dilay si bareer ah, iyadoo shaqaalaha iyo ardaydu ay isticmaaleen agabka guryaha oo ay isku xireen qolalka.

Muuqaalo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo ka boodaya darbiyada. Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlayaa muuqaalka.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa 24-sano jir wax ka baranayay Jaamacadda, islamarkaana uusan horay u gelin wax dambi ah, inkastoo ay intaa ku dareen in la helay “hubka iyo rasaas aad u badan”.

Kahor toogashada, booliiska ayaa helay warbixin sheegaysa in tuhmanaha la rumeysan yahay inuu ku sii jeeday Prague oo uu ka yimid magaalo u dhow isaga oo damacsanaa inuu is dilo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker