Nin 14 qof toogasho ku dilay isagana is dilay

Nin dabley ah oo tan iyo shalay jaamacad ku taalla magaalaad Prague dad ku tooganayey ayey boolisku sheegeen inuu isagana is dilay, ka dib marki uu iska hor imaad dhex maray isaga iyo booliska.

Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay 25 qof, marki ninkaas oo jaamacadda arday ka ahaa uu rasaas ku furay. Rasaasta ayaa bilaabatay Khamiistii saacadda Afrikada bari markay ahayd 5tii galabnimo.

Ninka weerarka gaystay ayaa lagu tilmaamay inuu yahay 24 jir la yiraahdo David Kozak, waxaana la aaminsan yahay inuu aabihii meel kale ku soo dilay. Madaxweynaha jamhuuriyadda Czeck Petr Pavel ayaa dadka ka dalbaday inay midoobaan, waxaana lagu dhawaaqay in Sabtida ay noqon doonto maalin qaran oo la baroor-diiqayo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker