Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dilka horjooge sare Macalin Ayman

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro  Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu  yahay qodax ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay beegsiga horjoogayaasha Alshabaab iyo dagaalamayaasha kooxdaas. Waxayse tilmaamtay inay weli fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker