Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo ‘khatar ku ah beerka’
Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.
Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.
Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.
Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.
Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.
Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.
Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa