Dab ka kacay suuq laga dukaameysto oo ku yaalla xaafadda Isli ee magaalada Nairobi

Wararka ka imanaya xaafadda Isli oo ay Soomaalida ku badan tahay ayaa tibaaxaya in dab uu ka kacay dhisme laga dukaameysto oo la yirahdo Sharjah kaas oo kaabiga ku haya suuqa Hongkong.

Khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa waxaa lagu sheegay in hal dukaan ku bas-beelay welina uu qiiq laga arkayo dhismaha. Ma jiranaa wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo la soo weriyay

Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabka inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in cilad koronto uu ka dhashay dabka. Waxaa socda howlo lagu daadgureynayo agabka dhismaha, iyadoo kooxaha dab-damiska ay isku dayayaan inay xakameeyaan dabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker