Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hanbalyo ah u diray madaxweynaha dalka Masar oo mar kale dib u loo doortay

Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hanbalyo ah u diray madaxweynaha dalka Masar oo mar kale dadweynihiisu dib u doorteen, Mudane Cabdifataax Siciid Khaliil Al-siisi.

Dhambaalkan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadu oo nuqul ka midi soo gaadhay wakaaladda wararka ee solna ayaa u dhignaa sidan:-

Mudane Madaxwweyne waxa farxad weyn ii ah, Mudane, anigoo ku hadlaya magaca shacbiga iyo ka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, in aan adiga iyo shacbi weynaha Masarba kuugu hambalyeeyo doorashada laguu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, waxaan kuu rajaynayaa guul si aad u gaadho himiladaada iyo himilada shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar, una gaadhaan horumar iyo barwaaqo dheeraad ah.

Mudane Madaxweyne, Masar waa halbawlaha ummadaha Carabta iyo Islaamka, xasiloonida Masarna waa maslaxadda lagama maarmaanka u ah xasiloonida gobolka oo dhan.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabnaa in Masar ay ku soo laaban doonto kaalinteeda si ay u gudato doorkeeda hormuudnimo ee Carabta, Islaamka iyo Afrika iyo dhammaan golayaasha caalamiga ah.

Mudane Madaxweyne xidhiidhka ka dhaxeeya dhexeeya Masar iyo Somaliland waa mid soo jireen ah , waxaanan ku kalsoonahay in xidhiidhkeena uu noqon doono mid xidida-u adkeeya oo hir-geliya waagaga cusub ee soo ifaya, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa ku garab galo guushiisa oo ku hanuuniyo wanaag iyo xaqa Masar iyo ummadda Carabta.

Mudane, waxaan ka baryayaa in Alle SWT ku waafajiyo tallaabooyinkaaga oo uu ku caleemo saaro dadaalkaaga ku aaddan dhammaystirka geeddi-socodka horumarka, dib-u-dhiska iyo barwaaqo si loo gaadho heer qaran.

Somaliland News Agency

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker