Israa’iil oo sheegtay in ay heshay godkii ugu weynaa ee Xamaas

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay ilaa hadda ka heleen godkii ugu weynaa ee Xamaas ee Qaza, kaas oo 400m u jira xuduudka Erez ee u dhexeeya waqooyiga Qasa iyo Israa’iil.

Sawir qaade ka tirsan AFP ayaa loo oggolaaday inuu galo godka waxa uuna sheegay in uu yahay god weyn isla markaana gaari la dhex marin karo.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in marinku uu ku kici lahaa malaayiin doollar oo ay sanado ku qaadan lahayd dhismihiisa. Waxa ay sheegtay in nidaamka godka marinka ah uu lahaa wareeg weyn kuwaas oo wada daboolay in ka badan 4km.

Waxay sheegtay in dhismaha godka uu kormeeray Mohamed Yaxya, oo la dhashay taliyaha sare ee Hamas Yahya Sinwar oo la rumeysan yahay inuu soo abaabulay weeraradii 7-dii Oktoobar.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen tiro badan oo hub ah oo ku kaydsanaa godka hoostiisa.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, Kornayl Richard Hecht, ayaa sheegay in Xamas ay dhaqaale badan ku bixisay mashruuca si ay “u adeegsato hal ujeedo oo keliya, oo ay ku weerarto Israa’iil iyo dadka deggan”.

BBC ma aysan xaqiijin sheegashooyinka.

BBC-da ayaa hore u xaqiijisay muuqaal ay Xamaas sii daayeen bishii October oo muujinaya ciidamada Israa’iil oo ku dhow godka Erez.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker