Muhaajiriin laga cabsi qabo inay ku qaraqmeen xeebaha Libya

In ka badan 60 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay inay ku qaraqmeen xeebta Libya kadib markii ay quustay doontii ay la socdeen, sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Hay’addan QM oo soo xiganeysa dadka badbaaday, ayaa sheegtay in doontu ay ka shiraacatay magaalada Zuwara iyadoo ay saarnaayeen qiyaastii 86 qof.

Waxay sheegtay in mowjado sare ay quusiyeen doonta lana la’yahay 61 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan carruur, kuwaasoo loo maleynayo inay dhinteen.

Libya waxay ka mid tahay marinnada ay inta badan adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay sii maraan badda Mediterranean-ka ayna galaan Yurub.

IOM ayaa ku qiyaaseysa in in ka badan 2,200 oo qof ay sanadkan keliya isku dayeen inay ka gudbaan badda.

Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintan doonta saarnaa ay badankood kasoo jeedaan dalalka Nigeria, Gambia, iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker