Sida ay ciidamada israa’iil u dileen saddex ka mid ah dadkii ay Xamaas ku haysatay Qasa

Ciidamada israa’iil ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay sida ay kamma’ ugu dileen saddex qof oo ka mid ah dadkii ay xamaas ku haysatay Qaza.

Sarkaal ka tirsan IDF ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda uu arkay la-haystayaasha oo ka soo baxayay dhisme iyaga oo feedha qaawan, isla markaana kor u taagaya mara cad oo ay ul sudheen.

Askariga ayaa dareemay cabsi wuxuuna ku furay rasaas, isagoo sheegay in raggaasi ay ahaayeen argagixiso, ayuu yiri sarkaalka ka tirsan IDF.

Labo nin oo la qafaashay ayaa isla markiiba la dilay midna waa la dhaawacay, wuxuuna dib ugu carary dhismihii ay kasoo bexeen.

Kadib askartu waxay maqleen qaylo calaacal oo afka Cibraaniga ah, “isla markiiba taliyihii guutada wuxuu amray in xabadda la joojiyo”, ayuu sarkaalku ku daray

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker